opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiir Fargeeti oo waayay kursigii Baarlamaanka

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasiirka Maaliyadda xukuumada uu xiligeedu dhamaaday ee Somalia Maxamed Aadan Fargeeti ayaa looga adkaaday doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka koonfur galbeed oo ka socota maalintii 3aad magaalada Baydhabo.

Wasiir Fargeeti ayaa ka guuleystay Maxamed Macalin Yaxye oo ka tirsanaa baarlamanka uu xiligiisu dhamaaday kaasoo mar kale ku guuleystay inuu ka mid noqdo baarlamanka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in doorasho labo wareeg ah ka dib wasiir Fargeeti looga adkaaday hal cod oo kaliya, waxaana fargeeti si weyn loogu saadaalinayey inuu kursigan ku guuleysan doono.

Warar hoose ayaa sheegaya in guuldarada ku dhacday wasiir Fargeeti uu ka dambeeyey Madaxweynaha maamul koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ka cabsi qabay haddii Fargeeti uu soo galo baarlamanka cusub inuu isku soo taago xilka guddoomiyaha Baarlamanka, taasoo caqabad ku noqon karta damaca Shariif Xasan kaga jira inuu u tartamo xilka madaxweynaha Somalia.

Doorashadan looga guuleystay wasiir Fargeeti ayaa aheyd tii ugu adkeyd aqalka hoose, iyadoo lacago aad u fara badan loo adeegsaday .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook