opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiirro iyo Xildhibaanno xil doon ah oo gaaray Jowhar +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Iyadoo dhowaan magaalada Jowhar lagu doortay Madaxda maamulka Hirshabeele ayaa waxaa magaalada ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo magaalada laga dareemayo is bedel aan horay loo arag.

Musharaxiin xilal doon ah, siyaasiyiin iyo dad kale oo dano kale leh ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, waxaana muuqaalka magaalada noqday mid ka duwan sidii looga bartay, waxaana dadka ay dib u soo xusuusisay xilligii magaalada Jowhar xarun u aheyd dowladdii uu hoggaaminayay Marxuum C/llaahi Yuusuf sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa magaalad laga dareemaya is bedel ganacsi oo xowli ku socda, iyadoo hotelada ku yaala magaalada ay noqdeen kuwo aad u buux dhaafiyay, waxaana sare u kacay qiimaha lagu jiifan jiray halkii habeen hotelkii.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada Aqalka hoose iyo Aqalka sare, waxaana lagu wadaa in Maamulka Hirshabeelle uu shaaciyo liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook