opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Weerar lagu qaaday Madaxweynaha Galmudug iyo Cida Weerartay +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Habeenkii xalay ahaa xilli saq dhexe ah waxaa weerar xooggan lagu ekeeyey hoteelka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka degan yahay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Weerarkaasi waxaa soo qaadey rag hubeysan oo illaa saakay lagu wareersanaa halka ay ka yimaadeen, waxay ahaayeen iyo sidoo kale meesha laga soo dirsaday.

Hase ahaatee xog aynu si hoose u helnay waxay sheegayaan in meleeshiyaadka weerarka soo qaadey ay ka tirsanaayeen kuwa ku sugan Gaalkacyo gaar ahaan waxa uu ka yimaadeen dhanka Puntland.

Waxay si hoose uga soo tallaabeen Koontaroolkii maagaalada, iyaga markii ay yimaadeen halkaasi dagaal aad iyo aad u xooggan billaabey, balse waa la iska caabiyey.

Waxa ajira caddeymo muujinaya oo saakay laga helay halka weerarka ka dhacay, hase ahaatee la codsadey inaan bannaanka la keenin si aanu mar kale dagala uga billaaban Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ballanqaadey inuu xabsi ku uruurinayo dhammaan maleeshiyadii weerarka soo qaaddey iyo sidoo kale saraakiisha soo amartay, Puntland iyana ammarkaasi ayaa la siiyey.

Gaalkacyo maanta aad ayeey u deggan tahay, balse waxaa aad loo hadal hayaa weerarkii habeenkii xalay ahaa ka dhashay magaaladaasi xilli dadku nabad ay filayeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook