opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wiil Soomaali ah oo weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio + Sawirro

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Booliiska dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Wiil Soomaali ah oo shalay weerar qasaaro daliyay ka fuliyay dhismaha Jaamacada Ohio.

Wiilka Soomaaliga ah ee weerarka geestay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Cali Cartan oo 20-sano jir ahaa, wiilkan ayaana kamid ahaa ardayda wax ka dhiganeysay Jaamacada Ohio uu weerarka ka geestay.

Cabdirisaaq Cali Cartan ayaa gaari yar uu watay waxa uu jiirsiiyay dad ku sugnaa Dhismaha Jaamacada, waxa uuna xiligaa kadib dadka qaarkood ku weeraray toorey uu watay., waxaana weerarkan ku dhawacamy 11-qof.
Ciidanka booliiska ayaa markii dambe toogasho ku dilay Cabdirisaaq Cali Cartan , waxa ayna hada wadaan booliiska baaritaano ku aadan weerarka uu geestay Wiilkan Soomaaliga ah balse heesta dhalada dalka Mareykanka.

Muslimiinta kuool gobolka Ohio gaar ahaan Soomaalida ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkan uu geestay Wiilka Soomaaliga ah, waxa ayna weeraraasi ku tilmaameen mid laga naxo aysan raali ka aheyn.

Wiilka weerarka geestay ayaa dadkii yaqaanay waxa ay sheegeen in uu ahaa wiil afgaaban oo inta badan aan dadka soo dhax galin sidoo kale waxa uu aad ugu xirnaa masaajida kuyaala gobolka Ohio oo diinta ka baran jiray.
Maamulka Jaamacada ayaa sheeay in hada xaalada ay tahay mid caadi ah ayna soo afjareen ciidanka howlgalkii ay kawadeen dhismaha Jaamacada, waxa ayna Maamulka Jaamacdaa weerarkan ku tilmaameen mid ay ka naxeen oo argagax badan ku abuuray.

1 2 34 5 67 8 999

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook