opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xaaska Barack Obama oo sixun loocaayay looguna yeeray Daanyeer

nintchdbpict000282279547
FacebookTwitterGoogle+Share

Duqda magaalada Clay ee gobolka Virginia Beverly Whaling ayaa shaqadeeda weysay kaddib markii xubin xafiiskeeda ka shaqeysay ay ugu yeertay xaaska madaxweyne Barack Obama “daanyeer”, iyaduna ay ku taageertay.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii uu doorashada madaxtenimo ku guuleystay Donald Trump isbuucii hore.

Hadalkan cunsuriyadda ah ayaa lagu qoray barta facebook-ka ee haweeney ka shaqeysa xafiiska duqa magaalada oo lagu magacaabo Pamela Ramsey, waxaana ay u qorneyd sida tan ” – Waxaa i farxad gelineysa in aan arko haweeney qurxan islamarkaana labis qurxoon oo ku nool aqalka cad. Waan ka daalay in aa daanyeer ku dhex arko gurigaas“.

Beverly Whaling ayaa la dhacday hadalka ay barteeda Facebook-ga ku qortay saaxiibteed Pamela Ramsey, waxaana jawaab-celin qoraal ah oo ay ka bixisay iyaduna qortay ” – maalintaad ii toosisay“. oo macneheedu loo qaadan karo “qoraalkaaga waan taageersanahay”.

Si kastaba duqda magaalada ayaa sheegtay in qoraalkeedaas jawaab-celinta ah aysan ula jeedin wax cunsuriyad ah, waxa ayna raalli-gelin ka bixisay dhacdadaasi.

Waxyar kaddib raalli-gelinta ayaa waxaa ay iska casishay jagada duqa magaalada.

Barta Facebook-ka ee haweeneyda daabacday qoraalkan cunsuriyadda ah ayaa gebi-ahaanba la xiray, laakiin wali ma cadda in iyadana shaqada laga eryay.

micheldanyer3

 

 

HALKAN KA AQRI SHEKADAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook