opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo sheegay in maxaabiis ka badan Kun Soomaali ah ay ku xiran yihiin Xabsiyo ku yaala 22 dal

dr-axmed-cali-daahir
FacebookTwitterGoogle+Share

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxaabiis ka badan Kun Soomaali ah ay ku xiran yihiin Xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala wadamada caalamka

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya ayaa tilmaamay in dhalinyarada Soomalida ee ku xiran xasbiyada dalalka caalamka ee loo heysto burcad badeednimada aysan haysan cid u doodda islamarkaana lagu rido xukun dheer, wuxuuna ka codsaday madaxda dowladda iyo bulshada Soomaliyeed in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto burcadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Viatnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadkaasi dhibaateysan anagey naga sugayaan iney cadaalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xabsiyada Dalalka Caalamka ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal burcad badeednimo, qaarkooda waxaa lagu xukumaa sanado badan oo xabsi ah dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aysan xil iska saarin in ay wax ka qabato arrimahaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook