opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xiisad dagaal oo katagan Guriceel kadib Toogasho toos ah oo ka dhacday +Cod

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa xiisad dagaal oo cabsi gelisay dadka rayidka ah ay haatan ka taagan tahay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo gacanta ay ku hayaan Maamulk Ahlusunna.

Xiisada ayaa ka dhalatay kadib markii Askari ka tirsan Maamulka Ahlusunna uu toogasho ku dilay nin la sheegay in uu ahaa dadka deegaanka degmada guriceel kaas oo si weyn looga garanayey halkaasi.

Ehelada Marxuumka la dilay ayaa diiday in la aaso ama goobta laga qaado Meydka marxuumka ilaa loo soo gacan geliyo Askariga Dilka geystay oo la sheegay in ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlusunna.

Waxaana Cakiran Guud ahaan xaalada deganaasho ee Magaalada Guriceel iyadoo dadka ay baqdin ka qabaan in dagaal uu magaalada ku dhaxmaro ehelada gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka la dilay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook