opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xiliga la qabanayo doorashada xubnaha aqalka sare ee maamulka Hirshabelle oo la shaaciyey

FacebookTwitterGoogle+Share

Maamulka ugu da’da yar maamul goboleedyada dalka ka jira ee Hirshabelle ayaa shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada xubnaha aqalka sare ku meteli doona maamulkaas.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya maamulkaasi la qaban doono Maalinta Axadda ah oo taariikhdu ku beegan tahay 6-da Oktoobar.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa intaa ku daray in inta ka horreysa xiligaas ay dhameysan doonaan howlo yar-yar oo ku aaddan hannaanka doorashada, isagoo xusay in doorashada aqalka sare ka dib ay guda geli doonaan doorashada aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya iyo rag kale oo ku cusub siyaasada ayaa ku loolami dooorashada xubnaha aqalka sare ee maamulka Hirshabelle.

Maamulada Puntland, Galmudug, Juballand iyo Koonfur galbeed ayaa horey u doortay xubnaha uga mid noqonaya aqalka sare, waxaana maamulka Hirshabelle uu noqonayaa maamulkii ugu dambeeyey ee dooranaya xubnaha aqalka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook