opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xubnaha aqalka hoose ee Galmudug oo maanta Cadaado lagu doranayo + Qabiladoda+ Cod

galmudug
FacebookTwitterGoogle+Share

Degmada Cadaado ayaa waxaa lagu wadaa in saaka ay mar kale ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka Galmudug, iyadoo loo tartami doono illaa sagaal kursi.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa sheegay in la xaliyey khilaafaad iyo murano aad u xooggan oo ka dhex jiray beelaha qaar, kuwaasoo ku saabsanaa qaabka soo xulayo ergooyinka iyo arrimo kale.

Waxay ka qeyb galaya doorashada Cadaado ka dhaceysa siyaasiyin caan ah, hogaamiye kooxeedyo hore, ganacsato iyo dhalinyaro ku cusub siyaasada, waxaana kuraasta loogu tartami doonaa sidan soo socota.

Hadaba Doorashada ayaa udheceysa Sidan:

Kursiga 1aad, Beesha Abgaal, Waceysle-Cali Gaaf, Waxaa ku tartami Doona:

1. Eng. Cabdu laahi Cali Xasan
2. Saadiq cabdi kariin xaajii Ibraahim
3. Fowsiya Xasan ABuukar

Kursiga 2aad Beesha Abgaal, Waceysle-Murooyin, Waxaa ku tartami Doona:

1. Axmed yuusuf Guuleed
2. Cabdullaahi Cali Axmed

Kursiga 3aad Murusade-Habarceyno, Waxaa ku tartami Doona:

1. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
2. Axmed Mukhtaar Maxamuud

Kurisga 4aad Murusade-Habarceyno, Waxaa ku tartami Doona:

1. Maxamed Maxamuud Guure
2. Sakariye Maxamed Cosoble
3. Cabduqaadir Nuur Caraale
4. Cabdiqaadir Gaafoow Maxamuud

Kursiga 5aad Murusade-Habaradinle, Waxaa ku tartami Doona:

1. Xuseen Qaasim Yuusuf
2. Shire Macalin Gaab

Kurisga 6aad Duduble-Maxamed Camal, Waxaa ku tartami Doona:

1. Xasan macalin Maxamuud
2. Cabdi Qaadir Xuseen Maxamuud
3. Cabdi Fitaax Cali Xasan

Kursiga 7aad Murusade-Sabti Waxaa ku tartami Doona:

1. Bootaan Ciise Caalim
2. Maxamed Cilmi Afrax
3. Cabdule Faarax Xirsi
4. Cali sheekh Yaasiin Geedi

Kursiga 8aad Duduble-Awrwadeen, Waxaa ku tartami Doona:

1. Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey
2. Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

Kursiga 9aad Saruur, Cumar Ibraamim Waxaa ku tartami Doona:

1. Cawil maxamed Siyaad
2. Xaawo Kiin Maxamed Cali
3. Xirsi Aadan Rooble

Galmudug ayaa hada dooratay oo kaliya Shan xildhibaan oo mid kamid ah ay tahay haweeney, Waana Maamulka 2aad ee ugu dib dhacsan doorashada Aqalka Hoose marka laga reebo HirShabelle oo dhawana uun la unkay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook