opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Goodax Barre oo ku guuleystay Doorasho Adag oo maanta ka dhacday Jowhar +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ka dhacday doorasho aad u adkeyd si weyna loo wada sugayay, waxaana doorashadan ku tartamayay Afar Musharax oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan jufada Agoon.

Kursiga beesha Xawaadle/ Agoon ayaa waxaa ku loolamay musharixiinta kala ah: C/llaahi Goodax Barre, Maxamed C/llaahi Garguurte, Bile Iidle Sabriye, Muqtaar Xuseen Afrax.

Wareegii koowaad markii uu dhammaaday ayaa waxaa goobta tegay ciidamo ka socda kuwa ammaanka oo sheegay in Guddiga Doorashada Hirshabeelle uu amray in la joojiyo doorashada kursiga Beesha Agoon Cabdalle oo muran ka taagan yahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageeraya Musharax C/llaahi Goodax Barre ayaa isna amray in doorasahda ay sii socoto, isagoo ciidamo kale geeyay goobta doorashada.

Natiijadii wareegii koowaad ee Doorashada ayaa noqotay:

C/llaahi Goodax Barre: 22 cod

Bille Iidle Sabriye: 19 cod

Maxamed C/llaahi Nuur: 10 cod.

Mukhtar Xuseen Afrax: 0 Cod

Doorashada ayaa wareega labaad gashay iyadoo Guddiga Doorashada uu qaadacay in doorashadaasi socon karto kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle lagu eedeeyay inuu bedelay ergadii rasmiga ahayd ee Dooroshada kursigan.

Wareega labaad ayaad natiijadii noqotay in C/llaahi Goodax Barre ku guuleytay 32 Cod.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook