opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guddiga doorashada Galmudug oo ka jawaabay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashada Qaranka Cumar Dhagey

FacebookTwitterGoogle+Share

Guddiga Doorashada Dadban ee Galmudug ayaa ka hor yimid go’aan ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban oo ku saabsanaa kursiga Beesha Gaabane/Saleebaan.

Qoraal ay Xalay soo saareen Guddiga heer dowlad Federaal ee doorashooyinka Galmudug ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay Guddoomiye Cumar Dhagey uu yahay mid shaqsiyeed oo aan loo marin habraaca shaqada Guddiga.

Guddiga Doorashada Galmudug waxay ka digeen go’aanada noocaas ah inay keeni karaan iska hor keenka shacabka iyo maamulka Galmudug, isla markaana aanay ahayn ilaalin qoonde haween balse la beegsanayo shaqsiyaad iyo beelo gaara.

Arrintan ayaa soo shaac bixisay khilaaf ka dhex taagan Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal oo saacado gudahood ay qoraalo is burrinaya soo kala saareen Guddoomiyaha Guddiga iyo xubnaha Guddiga ee ku sugan Cadaado.

Isweydiintu waxay tahay “Guddiga doorashada heer Qaran iyo guddiga doorashada heer gobol midkee sareeya? Yaase go’aanka ugu danbeeya leh!?”

15284011_1142895655831391_2670257973752704650_n
15203129_1142895659164724_7127893073079630918_n

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook