opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Hobyo Shactarkii la Geeyay Dakada oo Shaqo Bilaabay +Sawiro

FacebookTwitterGoogle+Share

Dekada Magaalada Hobyo Waxaa la tijaabiyay shactarkii Halkaasi dhawaan la Gaarsiiyay Ganacsade liibaan Tahliil.

Ganacsade liibaan Tahliil iyo Sidoo kale injineero ka Socda Dalka Denmark ayaa ka Qeyb Galay Xaflad loo sameeyay Shaqo bilaabida Shactarka cusub ee Dekada Hoybo kaasi oo Awood u leh qaadista iyo Dajinta maraakiibta waaweyn Mudo ka yar maalin,

Xaflada oo lagu Qabtay Xeebta Magaalada Hobyo Ayaa lagu qabtay Xaflada furitaanka iyo Shaqeynta Shactarka Cusub ee loogu tala Galay Dekada Hobyo,

ugu Horeyn Waxaa Goobta ka Hadlay Ganacsade Liibaan Tahliil kaasi oo leh milkiyada Shactarka Waxana uu sheegay in Dadka Reer Galmudug hada kadib Alaabtooda halkaan kala soo dagi karaan,

Sidoo kale injineerada ka Socota Dalka Denmarka oo qiimeeyay Dekada Ayaa Sheegay in Dekada Ay tahay mid Casri ah oo Shaqeyn karta iyagoo sheegay in Galmudug heesato goob ku filan Dhaqaalo ahaan.

Ganacsatada ayaa sheegay in Dekada Hobyo ay ku Taal meel muhiim ah oo Maraakiibta u sahleysa imaatinka isla markana Qeebisa gobolo Badan oo somalia ah,

intaasi kadib ayaa loo Gudbay tijaabinta Shactarka waxana uu shactarka Gudaha u galay Dekada Magaalada Hobyo Qeybta Bada isagoo Dhoor Daqiiqo kadib u soo Baxay Banaanka Dekada sida in uu sido Alaab,

Dadka Reer Hobyo Ayaa aad ugu farxay Shaqo bilaabida Shactarka cusub oo ah mid casri ah kaasi oo leh awood sareysa oo dajin karta markab sida ay sheegeen injineerada.

1 2 34 5 67 8 999

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook