Xuska Mowliidka Nabiga Nnk Oo Lagu Qabtay Norway+Sawirro +Video

Waxaa Magaalada Oslo ee wadanka Norway lagu qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimey laguna weeyneeynaayey Dhalashada Nabigeena Muxammed NNK, Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen culi,maaudiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xafladda waxaa kasoo qayb galay mashaa,iq waaweyn oo ka kala yimid wadamada yurub iyo gobolada Norway iyo Scandinavianka.
Culimada ka soo qaybgashay xafladda ayaa ku dheeraadey siirada Nabiga NNk, iyo sidii quruxda badney ee uu ku faafin jirey diinta,
waxaa sidoo kale garab socdey nabi ammaano aad u macaan oo ay qaadayeen maadixiintii kasoo qayb galay xafladda,
waxaa sidoo kale loogu duceeyey guud ahaan Islaamka gaar ahaan ummadda soomaaliyeed in ALLAH dhibka ka qaado.
Xafladda oo ay ka muuqatey bilic ayaa waxaa ay kusoo gabagaboowdey nuur iyo Nafaxaat.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook