opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

17 Jir Kasoo Jeeda Eriteria oo jabiyay Rikoorkii Zlatan +Video

Share

Da’yarka Alexander Isak -ayaa noqonaya Zlatan Ibrahimovic cusub – kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool udhaliya qaranka Sweden.

Xidigan ayaa qarankiisa gool ugu dhaliyay isagoo da\diisu ay tahay 17 sano iyo 113 maalmood, waxaana rikoorkan uu kala wareegay halyayga dalkaas Zlatan.

Kadib maalin kahor markii uu qarankiisa matalay Isak ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 19-aad kkulan saaxiibtinomo oo ka dhacay Dubai kaas oo ay Sweden ku badisay 6-0 .

Da’yarkaan ayaa haatan waxaa uu soo jiiray indhaha kooxaha ugu waa weyn Yurub, iyadoo kooxaha isha ku haya ay kamid yihiin Barcelona, Real Madrid iyo Man United.
100-Sano oo rikoor yaalay waa soo dhamaaday

Isak, oo haatan uciyaara naadiga Sweden ka dhisan ee AIK, ayaa soo jabiyay rikoorkii Erik Dahlstrom kaas oo wax ka badan qarni uyaalay – waxaana uu ciyaaryahankaas uu gool ugu dhalliyay qarankiisa isagoo 18 sano iyo hal maallin jira waxaana uu goolkaas ka dhaliyay Finland sanadkii 1912. Isak ayaana noqonaya da’yarkii ugu horeeyay ee gool udhalisa Sweden 100 sano kadib.

Isak ayaa ku dhashay magaalada caasimada u ah Sweden ee Stockholm waxaase uu asal ahaan kasoo jeedaa Eritrea halkaas oo qoyskiisa kasoo guureen.

Isak ayaa 10 gool udhaliyay kooxdiisa AIK tan iyo markii uu usaftay sanadkii 2016, isagoo kaliya saftay 24 kulan, weeraryahanka Man United Zlatan ayaana goolkiisii koobaad ee qarankiisa ay ku qaadatay inuu dhaliyo isagoo 20 sano jir ah inkastoo kulankii ugu horeeyay usaftay isagoo 19 jir ah.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook