Faarax C/qaadir Aabahay waxaan kabartay “Qof walbaa oo wax kaa sheega ama wax kuu dhima ha uraacan oo iska cafi” +Video

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo Maanta Looga Guuleystay Tartanka Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Xarunta Baarlamaanka Soomaliya.

Waxaa uu Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir u mahad celiyaya Xildhibaanadii codka siiyay iyo Musharrax Ka Guuleeystay isagoo sheegay in uu dhankastaa kala shaqeyn doono Guddonka Baarlamaanka Federaalk.
Sidoo kale waxaa uu goobta ka jeediayay Dardaaran Qiiymo badan oo horey uu u siiyay Aabihii isaga dhalay kaas oo ahaa “Hadii aad ordeyso gadaal ha fiirin” oo uu ku micneeyay “Qof walbaa oo wax kaa sheega ama wax kuu dhima ha uraacan oo iska cafi”.

isaguna waxaa uu Xildhibaanada Hortood ka cadeeyay in aanu jirin Qof Soomaali ah oo uu wax u qabo ama Xitaa aakhiro waxa uu isaga ka sameeyay aanan loo qaban doonin.

Guul daradii Faarax Sheekh C/qaadir Maanta uu kala soo hoyday Xarunta Golaha Shacabka ayaa dhabar jab weyn ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook