opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug oo Gacanta ku soo dhigay Kooxo hubeysan oo Dagaal ka hurinaayay Galgaduud +Cod

Share

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo Dagaal beeleedyo ka hurinayay Degaano hoostaga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhowaanahan ay ku dagaalamayeen xubno ka tirsan Maleeshiyo beeleed.

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga gaaray Degaanka Gadoon oo 30-KM u jira Magaaalada Dhuusa-mareeb.

Xubnahan ayaa u jeedada ay u gaareen Degaanka Gadoon waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Dagaal beeleedyada, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha Dagaaladan hurinaya.

Maxamed Nuur Diini (Afweyne) Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay Ciidanka ammaanka in ay gacanta ku dhigeen rag hurinayay Dagaal beeleedyada.

Maanta ayaa lagu wadaa in heshiis xabad joojin ah la dhexdhigo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, waxaana waxgaradka ay wadaan wada hadalo nabadeed.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook