Maxaa sababay guuldaradii Faarax Sh. C/qaadir ?

Doorashadii loogu tartamayey xilka Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Somalia oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid xiise gooni ah laheyd.

Waxaa ku tartamay afar musharax oo ah kala ahaa xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir, Xildhibaanad khadiijo Maxamed Diiriye, xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar, iyo C/wali Ibraahim Shiikh Muudey.

Inkastoo ay rumowday saadaashii laga sii bixiyey doorashadii guddoomiyaha Baarlamanka oo sidii la filayey uu ku guuleystay Max’ed Cismaan Jawaari ayaa tan gudoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa ka soo baxay natiijo ka bedelan saadaashii laga bixinyey cida ku guuleysan karta.

Siyaasiyiin badan iyo guud ahaan ra’yul caamka ayaa doorashada ka hor aaminsanaa in Faarax Shiikh C/qaadir oo ka mid ahaa musharaxiinta u tartamayey xilkan uu ka guuleysan doono musharaxiinta kale, maadaama uu yahay siyaasi saameyn badan leh.

Hase ahaatee saadaashaas ayaa meesha ka baxay ka dib markii xilka gudoomiye ku-xigeenka koowaad uu ku guuleystay C/wali Ibraahim Shiikh Muudey oo wareegii ugu dambeeyey doorashada loolan adag la galay Faarax Shiikh C/qaadir.

Guuldarada Faarax Shiikh C/qaadir ka soo gaartay doorashadii shalay ayaa siyaasiyiin badan iyo dadka wax falanqeeya waxay sheegeen inuu ka dambeeyey madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo gadaal ka riixayey C/wali Muudey.

Shariif Xasan ayaa ka careysnaa doorashadii uu shalay ku soo soo baxay gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari oo meesha ka saartay hamigiisii musharaxnimo eek u aadanaa xilka Madaxweynaha, wuxuuna tuhunsanaa in arintaas ay ka dambeysay madaxtooyada Somalia, taasoo ku xambaartay inuu olole u galo sidii looga guuleysan lahaa Faarax C/qaadir oo kooxda Madaxweynaha ka tirsan.

Dhinaca kale, guuldarada Faarax C/qaadir waxaa ka qeyb qaatay musharaxiin madaxweyne oo taageerayaal ku leh ku baarlamanka kuwaasoo soo bixida Faarax u arkayey iney gacan ka geysan karto soo laabashada Xasan Shiikh Maadaama Faarax uu yahay garabkiisa Midig.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in Faarax Shiikh C/qaadir oo ah rug cadaa siyaasadeed uu u qalmay inuu xilkan ku guuleysto balse ay salfadeen siyaasadaha iyo loolanka uu u dhexeeya musharaxiinta qaar, maadaama Faarax loo tirinayo inuu musharax gaar ah u ololeynayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook