Puntlan ayaa la sheegay in qarash ay ku bixisey qalalaasaha Galmudug

Dhowaan xildhibaannada maamulka Galmudug waxay mooshin ku tuureen madaxweynahooda Cabdikariim Xuseen Guuleed, walow aysan middaasi sii socon.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in arrintan kaalin weyn ay ka qaadatey maamulka Puntland, si looga taqluso maamulka Guuleed oo ay carqalad u arkaan.

Puntlan ayaa la sheegay in qarash ay ku bixisey qalalaasaha Galmudug, waxaana sababtaasi ay tahay colaad kala dhaxeysay maamulka iyo furmashada dekadda degmada Hobyo.

Xubno mas’uuliyiin ah oo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in kulan hoose ay magaalada Gaalkacyo kula qaateen 20 kamid ah xildhibaannadii sheegay iney rideen madaxweyne Guuleed.

Siyaasad ahaan Labada maamul ee deriska ah Galmudug iyo Puntland saaxiib ma ahan, waana kuwo mar walbo ku dagaallama Gaalkacyo iyo meelaha kale ee ay sohdimaha ku leeyihiin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook