Sanad Guuradii Koowaad ee Jaaliyada Jubaland ee Norway oo laqabtay +Sawirro+Video

Waxaa maalintii shalay kulan balaaran oo lagu xusayay Sanad guuradii Koowaad ee Jaalida Jubaland ee Norwey lagu qabtay Caasimada Norwey ee Oslo.
Kulankan ayaa ahaa mid siweyn loosoo agaasimay waxaana kasooqayb galay Gudoomiyaha Jubada Hoose ee Maamul Goboleedka Jubalad C/rashiid Cali Gooni, sido kale waxaa kasooqeyb galay C/risaaq Cali Xasan oo ah Xildhibaan laga soodoorto Gobolka Hedmark ee Dalkan Norwey iyo weliba Xildhibaan Xasan Cali Axmed oo asna laga soodoorto Magaalada Moss.
iyo waliba jaaliyada jubaland ee Norwey oo xaflada abaabulkkeda lahaa .
Kulankan ayaa kubilawday Warbixin ay soodiyaariyeen Gudida Jubaland wax qabadkoodii Sanadkii lasoodhaafay iyo waxa u dhiman inay qabtaan xilayada soosocdo .
Warbixintaan ayaa waxaa halkaas ka aqri yay Cumar Shiino oo ah xubin firfircoon oo katirsan jaalida isagoo aad ugu dheraaday sharaxaada hoowlihii horyaalay gudida iyo sida ay ugu guuleesteen .
Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland Ee Norwey Liibaan C/laahi Shuuriye ayaa asna dhankiisa soodhaweyay martidii kasooqeyb gashay kulanka iyo siduu ugu faraxsan guushii ay gaareen xiligii koobnaa oo ay hoshaan kujireen.
Ugu dambayntii Gudoomiyaha Jubada hoose ee Maamul Goboleedka Jubalad C/rashiid Cali Gooni ayaa halkaas kahadlay siweyna ugu hambalyeeyay jaaliyada iyo wax qabadkeeda isagoona kubogaadiyay inay halkooda kasiiwadaan oo aysana kacaajisin hooshaan culus ee ay dhabarka udhigteen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook