Tababar uga furmay dalka Ireland dhaliyarada Soomaaliyeed ee Yurub +Sawirro

Shalay oo taariikhdu ahayd 03-01-2017 waxaa magaalada Dublin ee Dalka Ireland kafurmay tababar lugu xoojinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Yurub kunool, Tababarkan oo socon doona muddo 9 cisho ah ayaa waxaa wada bixinaya Dalladdaha kala ah Dallada PEDAN iyo Dalladda ADYNE oo ah laba daladood oo inta badan mashaariic badan kafuliya qaarada Yurub iyo Africaba.

Dhaliyaradan oo ay tiradoodu gaarayso 36 qof oo ka kalayimid dalalka Finland, Ireland, Denmark , Norway, Uk iyo tababarayaal isugu jira Soomaali iyo ajaaniba iyo wiliba korjoogte kale ayaa dhamaan waxaa marti galiyay ururka UDUG Association oo kadhisan dalka Ireland qaybna ka ah dalladda qurba joogta Yurub ee PEDAN.

Tababarkaan oo lugu baranaayo arimo badan oo ay kamidyihiin kobcinta tayada dhaliyarada, sida waddaniyadda, qiimaha wadashaqaynta, dimuquraadiyadda, xoojinta fikirka qofka, kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinta iyo kuwo kale.

Tababarkn ayaa kadhici doona goobo kala duwan sidan Jaamacada ITB (Institute of Technology, Blanchardstown), xarunta Police-ka halka madax kalana oo dawladda kasocotana ay dhalinta kula hadli doonaan madasha tababarka.

Barnaamijkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo loo qabto dhalinyro Soomaaliyeed ee intaa le’eg.
Furitaankii shirka waxaa erayo kooban ka soo jeediyay madaxda Ururka UDUG Association of Ireland, Dalla PEDAN iyo Dalladda ADYNE.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook