Xildhibaanadii Qaska kawaday Galmudug oo kala jabay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta ciidamo dheeraad ah la geeyay Hoteelada iyo xarumaha ay ku shiraan xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug Qaarkood ayaa waxa ay doonayaan in ay ku shiraan Hotelada si ay ugu dhawaaqaan guddi ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Waxgaradka Magaalada ayaa waxa ay wadaan dadaalo looga hortagayo in ay dhacaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada Ammaanka iyo sidoo kale xildhibaanada .

Shalay ayay aheyd markii Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug loo diiday in ay galaan Hotel ay qado ku la haayeen.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo sidoo kale goobaha ugu muhiimsan Magaalada Joogga ciidan.

Degaanada maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku jiraan xaalad deg deg ah.

Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Cadaado ayaa sheegaya in ay kala jabeen xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook