Cabdiwali Gaas oo Itoobiya tagay kadib markuu Bosaso si dhuumasho ah kagabaxay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goordhaweyd gaaray magalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn sababta safarkiisa la xariirta.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa Dubai ka sagootiyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay iska raaceen magaalada Bosaso si dhuumasho ah, waxaana safarkiisa ku wehelinayay xubno katirsan xafiiskiisa madaxtoyada gaar ahaan Mukhtaar.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Bosaso ka baxay ayaan saxaafadda iyo gollihiisa wasiirada ogeysiin safarkiisa iyadoo aad loogu dhalliilo safarada badan ee Madaxweynuhu kaga baxo Puntland iyadoo shaqo badan taal wadanka.

Maaha safarkii ugu horraysay ee madaxweyne Gaas ku aado dalka Ethopia, wuxuuna kusoo beegmay xilli shalay 16 Febrayo, uu Madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xafiiska Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee looga arimiyo dalka Soomaaliya.

Illo lagu kalsoonaan karo oo katirsan xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa warbaahinta Wardoon.net u xaqiijiyey in Madaxweyne Gaas isla Berri ku noqon doono wadanka isku-taga Imaaraadka Carabta iyadoo aan la ogeyn in Imaaraadka kadib uu Puntland ku noqon doono iyo in uu wadamo kale sii aadaayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

3 thoughts on “Cabdiwali Gaas oo Itoobiya tagay kadib markuu Bosaso si dhuumasho ah kagabaxay”

  1. mohamed sulub says:

    walalow maxa kagalay madaxweynaha puntland? safaradisa madu madax kuyahay? mise adiga dortay<? dadkii dortay oo uu xilka uhayey aya shaqadas leh,waxay ilatahay in aay kugu tahay Gardaro iyo Aabi in aad wax kashegto in caradisa waregaya.

  2. mahad yar says:

    sheekadiisii ayuu bilaabay markuu ku fashilmay puntuland oo isku dayo in uu carqaladeeyo dowlada farmajo, reer puntland ayuu rabaa in uu ku mashquuliyo dowlada cusub asagoo howl badan u taal puntland sida abaaraha amniga mushaar la aanta . wajiga wuu siin la yahay in joogo. mida kale wuxuu mooday in itoobiya wax u tari karto, cabdi wali waa caamil itoobiyaa, wuxuu heli karaa in walaalkiis farmaajo garab istaago uu la shaqeeyo laakiinse waa doqon oo jalas ah.
    mida kale kaligaa ma ihid reer punt land waxii khalad waa la sheegi karaa ee gar dare ma ahan. danta punt land waxay naga wada dhaxeysaa.

  3. ayan says:

    itoobiya jeclaa balaayo jeegowayn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook