opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Caruur walaallo ah oo ku dhintay Madaafiicdii lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada +Sawirro

Share

Warar dheeraad ah ayaa ayaa ka soo baxaya duqeyn culus oo maanta ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, taasi oo la sheegay iney ku wajahneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Mid ka mida madaafiicda ayaa ku dhacay guri degaan ah, waxaana ku dhintay laba caruur oo wallaalo ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen labadii waalid ee caruurtaasi, sida ay soo weriyeen dadka deriska la ah qoyskan oo degan agagaarka madaxtooyada, degmada Wardhiigley.

Sidoo kala waxaa madaafiicda ku dhaawacmay saddex qof oo kale, waana weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado madaxtooyada ka yar muddo saacad ah oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kooxda Ashabaab ayaa inta badan qaada weerarrada noocan oo kale ah, waxayna farriin cad u tahay madaxweyne Farmaajo oo ay la kowsatay xaalad ami oo liidata.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook