Ciidamo aad u Hubeysan oo ka baxay Gaalkacyo iyo Xiisada oo sii Kululaatay

Ciidamo aad u Hubeysan oo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa Saakay ka baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana ay u dhaqaaqeen dhanka Koofureed ee Gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo wata illaa 7 Gaari oo kuwa Dagaalka ah ayaa Saakay Aroortii ka baxay gaalkacyo,waxaana aan la ogeyn halka ay aadeen,balse warar aan ka helnay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta waxaa ay sheegeen in Ciidankaan uu Howlgalka ka socda Galmudug ku biiri doonaan.

Howlgalkii la doonayay in lagu Furto Magaalada Xarardheere oo Fariisin u ah Al-shabaab ayaa la sheegay in la isku Khilaafay sida aan horay u baahinay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook