Fifa oo Doonaysa Sidii Koobka Aaduunka Ay Afar Wadan U Wada Marti Galin Lahaayeen.

Madax waynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa dhawaan ku guulaystay in xubnaha golihiisa FIFA ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in koobka aduunka laga dhigo 48 xul qaran halka uu ka soo ahaan jiray 32 xul qaran. Laga bilaabo sanadka 2026 ayay koobka aduunka ka soo qayb gali doonaan 48 xul qaran inkasta oo aan wali qaaramada aduunka loo qaybin saamiga ay ka heli doonaan.

Laakiin markale madax waynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa cadeeyay in ay wadaan qorshe kale oo ay koobka qaramada aduunka ku marti galin karaan laba , saddex, ama afar wadan isla markaana ay ciyaaruhu ka qabsoomi lahaayeen min shan garoon oo ka tirsan labada, saddexda ama afrta dal ee marti galin doona.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta dalka Sweden ee Karl-Erik Nilsson ayaa isla markiiba taageeray fikriada madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee Gianni Infantino wuxuuna soo dhaweeyay in wadamo badani ay marti galin karaan koobka aduunka.

Maamulada horyaalada yurub ayaa markii horeba ka qayliyay in madax waynaha FIFA ee Gianni Infantino uu tirada kooxaha koobka aduunka kordhiyay isaga oo aan kala tashin waxayna si cad uga horyimaadeen go’aankii ay FIFA koobka aduunka kaga dhigtay 48 ka xul qaran.

Fikradan ayaa la mid ah qaabkii ay dadlka yurub sida wada jirkan ah ugu soo marti galiyeen koobka qaramada Yurub iyada oo Belgium & Netherlands ay sanadkii 2000 kii wada marti galiyeen halka Euro 2008 ay Austria iyo Switzerland wada marti galiyeen waxaana sidoo kale Euro 2012 kii wada marti galiyay Poland iyo Ukraine.

Laakiin FIFA ayaa xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA kaga dayanaysa in magaalooyin badan oo wadamo kala duwan ahi ay marti galin doonaan koobka aduunka. UEFA ayaa haddaba dooratay 13 magaalo oo ka tirsan 13 dal oo marti galin doona Euro 2020.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook