Muxuu Xabi Alonso Ka Yidhi Guuldaradii Barcelona Ee Paris Saint-Germain ?

Alonso ayaa sheegay in kooxdiisa Bayern Munich ayna wax badan iska badalin markii uu Guardiola baxay ee uu Ancelotti qabtay isla markaana waxa muhiimka ahi ay yihiin. Kadib guushii ay Real Madrid ka gaadhay Napoli iyo guuldardii ay Barcelona kala soo laabtay PSG ayuu Alonso aaminsan yahay in waqti xaadirkan ay Los Blancos tahay kooxda ugu cad cad.

Xabi Alonso oo Real Madrid ka soo ciyaaray ayaa yidhi: “Anigu waxaan la yaabay natiijadii Barcelona.Haddii ay koox ugu cad cad oo hadda ku guulaysan karta Champions Leaque-gu jirto waa Real Madrid”. Wuxuuna hadalkan Alonso sheegay iyada kooxoodiisa Bayern Munich ay 5:1 ku soo xasuuqday Arsenal.

Alonso ayaa galay bilihii ugu danbeeyay ee heshiiskiisa Bayern Munich wuxuuna 35 sano jirkani uu sheegay in aanu wali go’aansan in uu ciyaaraha ka fadhiisto wuxuuna yidhi: “Wali maan qorshaysan. Anigu ma cadaadinayo, ma ogi waxa dhici doona waynu arki doonaa. Kaliya waxaan doonaa in aan ku raaxaysto”.

Ugu danbayn Alonso ayaa ka hadlay isbadalkii tababare ee kooxdiisa ee uu Ancelotti ku badalay Guardiola wuxuuna yidhi: “Wax yaabo badani ismay badalin ee laga soo bilaabo Gauardiola ilaa Ancelotti, waxa muhiimka ahi waa ciyaartoyda”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook