Wasiir Xilka laga qaaday oo yiri “Maxaa xil la iga qaadaa Wasiirba ma shaqeeyee”+COD

Wasiirka Awqaafta iyo diinta Koofur Galbeed ayaa ka hadlay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Sahriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulan uu shir guddoominaayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa xilkii looga xayuubiyay Wasiirka Diinta & Awqaafta Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre).

Wasiirka xilka qaadista lagu sameeyay ayaa horboodayay xubno isugu jiro Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Maamulka Koofur galbeed oo mudooyinkan muqidsho ka waday mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Macalin barre oo xilka qaadistiisa kadib la soo xiriiray Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay ineysan jirinba wax wsiir ah oo ka howlgala deegaanada Koofur galbeed.

Waxa uu Sababta ku sheegay in howshii oo dhan uu isku koobay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo laba kamid wasiirada ay aadka isugu dhawyihiin Madaxweynaha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook