Mauricio Pochettino oo shir qarsoodi ahaa layeeshay Barcelona

Macalinka kooxda Kubada Cagta Tottenham Mauricio Pochettino ayaa lasheegayaa in uu shir qarsoodi ah laaqatay Madaxweynha kooxda Barcelona iyaga oo kawada hadlay sidii uu ula Wareegi lahaa Naadiga dalka Spain.

Mauricio Pochettino ayaa lasheegayaa in uu ogalaaday qabshada Naadiga Barcelona inkasta oo uu Madaxweynaha Barcelona hor dhigay Shuruudo badan oo ku saaabsan awoodiisa Macalinnimo iyo in loo keeno Cayaartoyda uu doonayo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay dalka Spain ayaa sheegaya in Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu u soo bandhigay Macalinkaan 45 Sano jirka ah ee u dhashay dalka Argentina 5 Sano oo heshiis ah oo uu Macalin ugu ahaan doono kooxdiisa isaguna uu ka aqbalay.

Hogaamiyaha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa si wanaagsan u garanaya Nolosha Magaalada Barcelona isaga oo mudo shan sano ah u soo dheeley kooxda ka dhisan Magaaladaas ee Espanyol,Waxa ayna u badantahay in uu badali doono Macalinka Xilka iska Casilay ee Luis Enrique.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook