Tababare Mauricio Pochettino” Jacaylka kooxda Espanyol ayaa ii diidaya in aan Noqdo Macalinka Barcelona

Macalinka kooxda kubada Cagta Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sheegay in inta uu Noolyahay uusan Noqon doonin Macalinka Naadiga Barcelona sababtuna tahay in uu aad u jecelyahay Kooxdiisii hore ee Espanyol.

Mauricio Pochettino”Xitaa hadii layga Cayariyo shaqada Tottenham ma noqon doono Macalinka Barcelona sababtoo ah Waxaan aad u Jeclahay Naadigii aan u soo dheelayey Macalinkana u soo noqday ee Espanyol Waxaanan beeninayaa Wararka laysla dhex maraayey ee ahaa in aan badali doono Luis Enrique.

Ninka u dhashay dalka Argentina ayaa siweyn loola Xiriirnayey in uu Noqon doono Macalinka kooxda Barcelona waxaana dhawaan warbaahinbtu shaacisay in uu shir qarsoodi ah London kula yeeshay Madaxa Barcelona ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook