Cristiano Ronaldo oo lasheegay inuu kufsaday Gabar 20 Sano jir ah kadibna uu Lacag siiyey+Sawiro

Cayaaryahanka Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu Kufsaday Gabar 20 Sano jir ah Taas oo uu markii dambe siiyey Lacag dhan $375,000 -oo u dhiganta £300,000 si aysan u dacweyn.

Wargeyska Der Spiegel oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa daabacay in ay heleen cadaymo laxiriira Cayaaryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo kufsaday Gabar 20 Sano jir ah oo ku nool Magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka kadibna uu siiyey lacag si aysan u fadeexeyn uguna dacweyn Ciidamada amaanka.

Der Spiegel oo ah Wargeyska soo bandhigay fadeexadaan ayaa ku doodaya in ay hayaan dukumiinti Cadaynaya Lacagtii uu bixiyey Ronaldo iyo Magaca iyo Goobtii shilku ka dhacay dhacdadaas oo dhacday Sanadkii 2009.

Sanadka uu sheegayo Wargeyskaan in Cristiano Ronaldo uu Gabar ku kufsaday Magaalada Las Vegas isla Sanadkaas Cadadkii Wargeyska ka soo baxa dalka Spain ee El Mundo.ee soo baxay bishii June 13, 2009,ayaa lagu daabacay in Ronaldo uu Gabar ku kufsaday Magaalada Las Vegas balse masoo bandhigin Wargeysku Wax cadayn ah oo ku saabsan sheekadaas.

Markii uu soo baxay Warkaan ayaa qareenka qaaska ah ee Cayaaryahan Cristiano Ronaldo waxa uu si kulul u beeniyey Jiritaanka in Xidigaan uu kufsi geystey waxa uuna sheegay in ay tahay dacaayad la doonanyo in lagu xumeeyo sumcada Cristiano Ronaldo.

Hadii ay Cadaato in Cristiano Ronaldo uu kufasaday Ruuxa dumarka ah ee la sheegayo waxa au noqon doontaa fadeexad aad u weyn oo soo wajihi doonta Cayaaryahanka Caalmka ugu fiican xiligaan waxaana macquul ah in Maxkamad lasoo taago laguna xukumo Xabsi dheer.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook