Dhuusamareeb oo maanta tagaysa diyaarad sida gargaar

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud laga sugayaa Diyaarad sida Gargaar taas oo ay dirtay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Raashiinka Gargaarka ah loogu talo galay in lagu Caawiyo Dadka ay Abaartu saameysay ee ku nool deegaanada ay ahlusuuna maamusho.

Waxaa Sidoo kale R/wasaare Xasan Cali Kheyrre uu sheegay in Berri ay diri doonta Diyaarad labaad oo sidda Gargaar Caafimaad oo iyadana tagi doona Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay Kulan uu Xalay la qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira oo weli ku sugan Magaalda Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook