Georginio Wijnaldum Oo Markale Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidigii Ugu Fiicnaa Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa Abaalmarinta xidigii March ee kooxda u doortay Georginio Wijnaldum oo muujiyey xirfad kubadeed oo saraysa. Xidiga xula qaranka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaana markii labaad sadex bilood gudohood loo doortay ciyaartoygii Liverpool ugu fiicnaa bishii dhamaatay ee March. Georginio Wijnaldum ayaa markii labaad abaal marintan ku guulaystay saddexdii bilood ee ugu danbeeyay balse waxa uu farxad ka muujiyay in abaal marinta uu hadda ku guulaystay ay ka farxad badan tahay markii ugu horaysay ee uu ku guulaystay isaga oo xusay in markaas ayna kooxdiisu natiijooyin fiican helayn.

Georginio Wijnaldum ayaa abaal marinta xidigii Liverpool ugu fiicnaa bishii March kaga adkaday asxaabtiisa kooxda ee Sadio Mane , Adam Lallana iyo Emre Can. Xidigan ayaana door wayn ku lahaa kulamadii ay Liverpool guulaha ka soo gaadhay kooxaha Arsenal iyo Burnley oo uu labada ciyaaroodba min hal gool ka dhaliyay, wuxuuna sidoo kale door muuqda Georginio Wijnaldum ka soo ciyaaray kulankii ay Liverpool barbraha la soo gashay kooxda Manchester City. Georginio Wijnaldum ayaa codkii taageerayaashisa Liverpool bixiyeen ka helay boqolkiiba 51% waxaana kaalinta labaad codbixintan ka galay Adam Lallana kaas oo helay 13% waxaana min 9% kaalinta saddexaad ugu jiray Sadio Mane iyo Emre Can. Georginio Wijnaldum ayaa bishii January ku guulaystay abaal marinta xidiga Liverpool ugu fiicnaa balse markaas sida uu xidiga reer Holland sheegay kooxdiisa ayaan ku jirin xaalad fiican wuxuuna cadeeyay in uu hadda aad uga farxad badan yahay markiisii ugu horaysay ee uu abaal marintan ku guulaystay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook