Isbitaalka Magaalada Jowhar oo albaabada la iskugu dhuftay+SABABTA +COD

Ciidamo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa al-baabada isugu dhuftay Xarunta Isbitaalka Jowhar oo ay gacanta ku heyso Hay’adda Inter Soos kaas oo wax badan u hayay Bulshada ku nool Magaalada jowhar iyo Tuulooyin hoostaga.

Macada ilaa iyo hada sababta ka dambeysa in al-baabada la iskugu dhifto Isbitaalka Magaalada Jowhar balse waxaa xusid mudan in dhanka kale ay ciidamada Xabsiga dhigeen Madaxa Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad Cabdi kaas oo hada ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Jowhar.

Weli wax faah faahin ah kama bixin masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay cadeeyaan sababta ay u xireen Isbitaalka Inter Soos ee Magaalada Jowhar oo ay maamusho Hay’ad laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook