opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Juventus oo Barcelona kareebtay Champions League una soogudubtay Semi Final +Sawirro

Share

Kooxda Juventus ayaa muujisay qaab difaaceed lala dhacay si ay isaga xaadiriso semi finalka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League kadib markii ay waxba kama jiraan ka dhigeen weeraradii Barcelona gudaha geggida Nou Camp.

Xasuuqii 3-0 ka ahaa ee ay kaga soo badiyeen lugtii hore, Barca waxay xoogeeda isugu geysay sidii ay mar uun shabaqa kooxda Talyaaniga ah u taaban lahayd laakiin way ku guul-daraysteen inay ku celiyaan mucjisadii ay kaga soo gudbeen wareegii 16 dhamaadka, markaas oo ay

ka soo kabteen 4-0 is araggi hore lagaga soo badiyey, tartankana kaga reebeen Paris St-Germain.

Lionel Messi, oo uu isku daygiisii koobaadba ka diiday goolwade Gianluigi Buffon, ayaa birta korkeeda tooganayay markii dambe, halka Luis Suarez iyo Neymar labadubana ay fursadaha khasaarinayeen.

Juve oo difaac wanaagsa ay u dheerayd degenaanta, Ayaan dhinaca kalena ka madhnayn inay weerarto goolka, iyadoo uu Gonzalo Higuain uu toogtay goolwade Marc-Andre ter Stegen halka Juan Cuadrado uu fursad kale ka khasaariyey, ugu dambeyntiina kooxda Talyaaniga ah ayaa si weyn ugu damaashaaday guusha ay gaadhay.

Juventus waxay kula biirtay Real Madrid, Atletico Madrid iyo Monaco isku aadka la samaynayo Jimcaha ee afar dhamaadka.
MATCH FACTS

Barcelona: Ter Stegen 7, Roberto 8 (Mascherano, 78), Pique 8, Umtiti 7, Alba 7, Busquets 8, Rakitic 6 (Alcacer, 58), Iniesta 8, Neymar 7, Suarez 7, Messi 7

Subs not used: Cillessen, Denis Suarez, Digne, Andre Gomes, Alena

Booked: Iniesta, Neymar

Juventus: Buffon 8, Dani Alves 8, Bonucci 9, Chiellini 9, Alex Sandro 8, Khedira 7, Pjanic 8, Cuadrado 8 (Lemina, 84), Dybala 7 (Barzagli, 75), Mandzukic 7, Higuain 7 (Asamoah, 88)

Subs not used: Neto, Benatia, Lichtsteiner, Rincon

Booked: Chiellini, Khedira

Referee: Bjorn Kuipers (Holland).

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook