opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaafiic Khasaaro geesatay oo kusoo dhacay Xaafado katirsan Muqdisho

Share

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado katirsan Degmada Howl-Wadaag ee gobolka Banaadir, waxaana madaafiicdan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo kamid ah Madaafiicdan ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo dhaceen xero ay dagan yihiin dad barakacayaal ah iyo Dugsi sare Howl- Wadaag, oo ku dhaway xarunta degmada Howl-Wadaag .

Inta la xaqiijiyay gabar yar ayaa ku dhimatay Madaafiicdan halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 5-qof oo isugu jira caruur iyo sidoo kale arday wax ka dhiganeysay Iskuulka Howl-Wadaag oo mid kamid ah madaafiicda ay kusoo dhaceen.

Dadka ku dhaqan Degmada Howl-Wadaag gaar ahaan xaafadaha ay kusoo dhaceen ayaa dareemay khal khal badan, waxaana dadka qaar bilaabeen in ay guryahooda ka cararaan iyaga oo gara la’ halka laga soo tuuray madaafiicdaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook