opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxwayne Farmaajo oo lakulmay Gudoomiyaha CAF +Sawirro

Share

Ka dib kullan xalay dhexmaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda cagta ee qaaradda Afrika Axmed Axmed , ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay horumrinayso kaabayaasha kubadda cagta, islamarkaana ay hormarinayso dhalinyarada si kor loogu qaado nabadgelyada iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa ka codsaday xiriirka kubadda cagta in loo ogolaado Soomaaliya ay martigaliso ciyaaraha gobolka iyo kuwa caalamiga, halkii ay ku ciyaari lahaa wadanka deriska ee Jabuuti
Ra’isul Wasaare Khayre, Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo Madaxweynaha CAF
” Dowladda federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysa amaanka Garsoorayaasha iyo ciyaartoyda uu imaanaysa soomaaliya kullamada kubadda cagta, dowladu awood ayay u leedahay inay nabadgelyada sugto iyadoo loo sii marayo Kubadda cagta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Khayre

Wuxuu u mahadceliyay dowladda jabuuti oo ugu ogolaatay ciyaartoyda Soomaalida inay kulamadooda ku qabsadaand dalka jabuuti, isagoo ku tilmaamay wadankooda labbaad

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda cagta Afrika (CAF) ayaa uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka sida loogu soo dhaweeyay muqdisho, wuxuu ballanqaaday in samayn doono wax kasta oo karaankiisa ah si loo hormariyo nabadgelyada Soomaaliya iyadoo loo sii marayo ciyaaraha

Dhinaca kale, Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhisayo Garoonkii kubacagta ee Muqdisho (national Staduim) oo hadda ay degan yihiin ciidamada amisom ee ka howlgala Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.
Madaxweynaha Farmaajo, Ra’isul Wasaare Khayre, Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo Madaxweynaha CAF.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook