Maxaa ka jira in la kala dirayo Xildhibaannada maamulka Galmudug?

Warar hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee Wardoon.net ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in la kala diro xildhibaannada baarlaamaanka maamulka Galmudug, kadib markii loo arkay kuwo aan aayahay dadka iyo dalka aan ka shaqeyna.

Xogtu waxay sheegeysaa in laga yaabo in la isugu yeeo waxgaradkii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi, islamarkaana laga doonayo in ay soo bedalaan shaqsi walbo oo metala iyaga.

Sidoo kale xogta waxay tilmaamaysaa in markii la bedalo mudanayaashan ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo sidoo kale midda Madaxweynaha.

Lama oga sida ay tani suurtagal ku noqon doonto, hase ahaatee waa qorshe oo kaliya ee ma ahan go’aan la gaaray, waxaana laga yaabaa iney wax isbedalaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook