Muxuu u Baahan yahay Farmaajo, Maxaase ka Khaldan Hab dhaqankiisa? +Video

Barnaamijka Bandhiga ee Kalsan Tv ayaa lagu falanqeeyay arimo Xasaasi ah oo Soomaalida mugdi kaga jiray waxaana lagu marti qaaday aqoon-yahanka Siyaasiga ah ee Maxamed Maxamuud Nuur Caalim iyadoo la weydiyay su’aalo Xasaasi ah .

Si gaar ah Falanqeynta waxaa diirada lagu saaray Madaxda Dawladda Federaalka iyo Dowladad Goboleedyada Xubnaha ka ah oo kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Wixii laga wada hadlay iyo Sababaha kulankaasi loo qabtay.

Sidoo kale Caalim ayaa su’aal laga weydiyay Dhismaha ciidan qaran oo Qabiil iyo deegaan gaara aan ka amar qaadan si looga maarmo Ciidamadan shisheey & Sida ugu fudud ee Dawlada uu hogaamiyo madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo u dhisikarto Ciidanka Qaran.

Dowlad kaligeed iska istaagtana ma jirto ee waxaa ay u baahantahay taageero iyo tabantaabyooyin badan,mid shacab iyo mid caalamiba oo labaduba ku dhisan Hiil iyo Hoo sidee arinkaa madaxweyne farmaajo ugu Guuleesan karaa.

Sidoo kale Falanqeynta ayaa lagu soo qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabtay oo faragelin qaawan ku sameysay dhulka Soomaaliyeed. Iyadoo hishiisyo la galay Somaliland iyo Puntland Arinkaa madaxweyne farmaajo sidee u arkaa .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Muxuu u Baahan yahay Farmaajo, Maxaase ka Khaldan Hab dhaqankiisa? +Video”

  1. ayan says:

    hawiye idinkaa shalay farmaajo u ooyaayay mantana asagoon 4 bilaad xataa idin xukumin eedaynaaya waxaad dihiin yaxuush aan dawlad nimo iyo nadaam rabin darood tashay 1991 isgarxiya isbililigaysta keenyaay boob itoobiyay kumayso uf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook