opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo ku dhawaaqday in 8-da June la qabanayo doorasho guud+ Sawirro

Share

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday in doorasho guud ay dalka ka dhaceyso 8-da bisha June ee soo socota, iyadoo arrintan aheyd mid lama filaan ah.

Kulan ay la yeelatay Golaheeda Wasiirada ayay ku go’aamisay in dalka uu galo doorasho xilli hore ah, waxaana la filayay in doorasho dalkaas ka dhacdo saddex sano kaddib.

Ms May ayaa u baahan taageerida Baarlamaanka, si doorasho loo qabto ka hor sanadka 2020.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa xilka qabatay sanadkii hore, kaddib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore David Cameron.

Siyaasiyiinta Britain ayaa soo dhoweeyay tallaabada Ms May ay qaaday, waxaana doorashada geli doona dhamana xildhibaanada dalkaas.

Ms ayaa qudheeda u baahan in dib loogu soo doorto Xildhibaan ahaan, si ay xilka Ra’iisul Wasaare u sii heyso.









 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook