Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Afar Dhamaadka Champions League +Sawirro

Real Madrid ayaa iska xaadirisay afar dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay toban ciyaartoy oo Bayern Munich ah ay waqtiga dheeriga ahaa ku garaacday. Kulankan ayaa ahaa mid uu si wayn u hadheeyay muran kadib markii uu garsooruhu kaadhka cas u taagay Arturo Vidal oo taakal uu kubbada taabtay ku galay Marco Asensio halka sidoo kale Cristiano Ronaldo uu dhaliyay gool offside cadaan ah,halka goolkiisa saddexaad uu sidoo kale ahaa mid dood wayni ay ka dhalatay, basle waxayna sidoo kale Bayern Munich ka cadhaysnayd in Casemiro uu ciyaarta baaqi ku sii ahaa.

Cristiano Ronaldo ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay waxaana goolka kale raacsaday da’yarka Marco Asensio waxayna Bayern Munich macasalaamaysay Champions Leaque-ga inkasta oo Carlo Ancelotti uu cadho wayn ka qaaday go’aanada kooxdiisa dhibaatada wayn u gaystay. Ronaldo ayaa kulankan gaadhay goolkiisii 100 aad ee Champions Leaque-ga halka isla kulankii Bayern Munich ee hore uu gaadhay goolkiisii 100 aad ee tartamada UEFA oo dhan.

DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!! Robert Lewandowski ayaa kubbada qaatay wuxuuna hor dhigtay goolka Real Madrid waxana diyaar garoobay goolhaye Navas laakiin xidiga ree Poland ayaa si degan u garaacay Navas isaga oo waliba jahada qaldan u diray goolhayaha Madrid waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bayern ugu danbayn hogaanka hogaanka ku qabtay.

DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Alla muxuu gool ahaa!! Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayn ciyaarta uu dhex qarsoonaa ka soo dhex baxay wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka barbaraha kadib markii uu Casemiro kubbad si cajiib ah ugu soo guulaystay wuxuuna Ronaldo kubbada si fiican uga dhex qaatay difaaca Bayern isaga oo waliba goolhaye Manuel Neuer si fiican u garaacay waxayna ciyaartu noqotay babraro 1:1 ah oo ay Madrid xaalada ugu sii adkaysay Bayern.
DAQIIQADII 77 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! daqiiqad gudaheed Real Madrid ayaa musiibo dhex gashay kadib markii uu Sergio Ramos si lama filaan ah iskaga dhaliyay goolka ay markale Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku qabtay wuxuuna Ramos cadaadis kala kulmay Muller iyo Lewandowski laakiin kubbada uu sida sahlan u taabtay ee uu filayay in Navas uu awoodi doono in uu iska saaro ayaa goolhayaha iska dhaaftay waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay markale Bayern hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 84 AAD WAQTIGII MURANKA!! KAADHKA CAS!! Arturo Vidal ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii kubbada ka taabtay isla markaana uu si fiican oo aan qalad lahayn uu taakal ugu sameeyay Marco Asensio laakiin garsooraha ayaa kaadhka digniinta ah ku bixiyay si muran wayni uu ku jiro waxayna ciyaartoyda Bayern Munich iyo Ancelotti ay muujiyeen cadho wayn iyada oo waqti yar ka hor uu Casemiro oo kaadhka digniinta ah haystay uu qalad ku galay Robben, waxaana waqti Bayern ay raadinaysay goolka ay ku soo baxi kartay soo gaadhay dhibaato wayn.
WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

Real Madrid ayaa 30 kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray haysatay fursada ugu fiican maadaama oo ay Bayern Munich 10 ciyaarto ahayd balse kooxda Ancelotti ayaa wali ciyaarta baaqi ku sii ahayd. Daqiiqadii 97 aad Ronaldo ayaa darbo uu meel fog ka soo tuuray ku xanuuniyay goolhaye Neuer kaas oo awooday in uu kubbada dirqi iskaga joojiyo.

Laakiin Bayern Munich ayaa markeeda heshay fursad ay gool kaga hormari kartay Real Madrid iyo oo Robben uu fursad cajiib ah u abuuray Costa laakiin xidiga ree Brazil ayaa halkii uu goolka oo uu horjoogay toogan lahaa go’aan qaldan gaadhay wuxuuna kubbada hormariyay goolka Madrid.

DAQIIQADII 104 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Real Madrid ayaa markale garsooraha iyo calanwadayaasha ka heshay go’aan kale oo si wayn uga cadhaysiiyay Bayern Munich kadib markii Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka barbarha ee Real Madrid waxaana Ronaldo kubbada u soo tuuray Sergio Ramos wuxuuna si fiican u dhamaystiray goolkan Bayern Munich niyad jabiyay waxaanada sida aad sawirka ka arki karo uu Ronaldo uu si cad ugu jiray offside waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.
DAQIIQADII 109 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!! Real Madrid ayaa markan heshay goolka ay ciyaarta ku disay ee ugu danbayn markeeda hogaanka ciyaarta ugu qabtay waxaana saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay Cristaino Ronaldo balse waxaa si layaableh kubbada uga soo shaqeeyay Marcelo Vieira kasa oo Ronaldo hadiyad uga dhigay goolkan wuxuuna ku horsiiyay goolka Bayern oo madhan waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku qabtay. balse markale Ronaldo ayaa offide ku jiray.

DAQIIQADII 112 AAD Marco Asensio ayaa ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu dhaliyay goolka afraad ee Real Madrid waxayna markan Bayern Munich noqotay koox ay niyadjabiyeen goolasha Madrid iyo go’aanada lala yaabay ee ay garsoorku ka sameeyeen kulan sidan u wayn waxayna ciyaartu noqotay 4:2 ay Real Madrid ku dubanayso Bayern Munich.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Real Madrid waqtigii dheeriga ahaa ku dubatay toban ciyaartoy oo Bayern Munich wuxuuna sidaa Zidane tartanka Champions Leaque-ga uga cidhibtiray kooxda uu hogaaminayay macalinkii uu caawiyaha u ahaa ee Carlo Ancelotti. Real Madrid ayaa celcelis ahaan ku soo baxday 6:3. Ronaldo oo kulankan saddexley ka dhaliyay ayaa gaadhay goolkiisii 100 aad ee Champions Leaque-ga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook