Ryan Giggs iyo Gary Neville oo furtay Cafe Football restaurant +Video +Sawirro

Qaar ka mid ah Xidigihii Caanka ahaa ee soo maray Naadiga weyn ee Manchester United ayaa abuurtay shaqooyin ka baxsan kubada Cagta kadib markii ay ku fashilmeen in ay lasii Hawgalaan Naadigii ay mudada dheer u dheelayeen.

Cayaartoydii Caanka ahayd ee Ryan Giggs iyo Gary Neville ayaa furtay Goob loogu Magacdaray Cafe Football restaurant Gudaha dalka Singapore halkaa oo ay doonayaan in ay kasamaystan ganacsi ay Wanaagsan oo ay ka helaan faa iido dhaqaale.

Labada Nin ayaa Horay u furay laba Goobood oo sidaan oo kale ah kuwaas oo ku kala yaala Magaalooyinka London iyo Manchester Waxaa kaloo ay leeyihiin Hoteelo loogu Magacdaray Hotel Football by Old Trafford.Waase Markii koowaad ee qaarada Asia uu Gaaro Ganacsigoodu.

Xafladii Furitaanka ee Cafe Football restaurant Gudaha ee dalka Singapore ayaa lagu Casuumay dad aad u badan oo intooda ah kuwo Magac leh Waxaana Cayaartoydii hore ee Man United sheegeen in dalal kale oo Caalamka ah ay kafuritaan sidaan oo kale.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook