Taageere Geeriyooday kadib marki laga soo tuuray Garoonka +Sawirro

Nin taageere kubadeed ah oo u dhashay dalka Argentin ayaa geeriyooday kadib markii laga soo tuuray garoon ay ka socotay ciyaar, waxaana ficilkan sameeyay taageero careesan oo ciyaarta dhinac ka daawanayay.

Koox taageerayaal ah oo ninkan u qaatay in uu la jiro kooxda kasoo horjeeda ayaa ninkan kasoo tuuray meel sare oo garoonka kamid ah, waxa uuna u geeriyooday dhaawac culus oo madaxa kasoo gaaray.

Emanuel Balbo oo 22 jir ah ayaa la murmay nin taageere ah xili ay daawanayeen ciyaar u dhaxeysay kooxaha Belgrano iyo Talleres oo ka dhisan dalka Argentin , waxaana la sheegay in koox taageerayaal ah ay ninkan garoonka kasoo tuureen.

Taageerayaasha ayaa ninkan ku eedeeyay in uu la jiray kooxda kasoo horjeeday oo lagu magacaabo Talleres balse ninkan meesha sare laga tuuray ayaa ku qeylinayay in uu taageere u yahay kooxda Belgrano.

Ciidamada booliiska ayaa xiray Afar nin oo loo heesto in ay ka dambeeyeen falkan lagu dilay ninkan taageereada ah, xariirka kubada cagta dalka Argentin ayaan ku baqaay in cadaalada la horgeeyo dadkii falkan ka dambeeyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook