Wasiirka Amniga iyo Guudomiye Taabit oo dayniiile lagusoodhaweeyay +SAWIRRO

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Abuukar Maxamed Ducaale , Xildhibaan Mustafa Dhuxulow , Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Generaal Saacid ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka Dayniile.

Booqashada ay maanta ku tageen Isbitaalka Dayniile Wasiirka Amniga Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo aheed tii ugu horeesay ay ku tagaan Degmada Dayniile gaar ahaan Isbitaalka ayaa soo booqday Bukaano ku jiray Isbitaalka Dayniile.

Masuuliyiintan ayaa isbitaalka ku booqday bukaano u badnaa Haween ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya oo ku jira Isbitalaka Dayniile, waxaana haweenkan oo ahaa ku tabara yar lagu sameeyay qaliinka Cudurka Isku furanka.

Wasiirka Amniga, Xildhibaan Dhuxulow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Generala Saacid ayaa mid mid u wareesanayay bukaanada ay booqdeen, waxa ayna halkaasi kusoo arkeen sida ay noloshooda tahay bukaanadaasi oo loo sameeyay qaliin lacag la’aan ah.

Masuuliyiintan ayaa markii ay Isbitaalka ku booqanayeen Bukaanada ku jira waxaa wajiyadooda laga dheehanayay dareen xanuun badan, waxa ayna murugada iyo dhibka la qeybsanayeen Bukanaada Isbitaalka ku jiray.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan in ay goobaha ay joogaan ku booqdaan kuwa awoodi waaya in ay u yimaadaan, waxa uuna balan qaaday in il gaar ah kula socon doonaan bukaanadan ku jira Isbitaalka Dayniile.

Booqashada uu maanta Wasiirka Amniga Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ku tageen Degmada Dayniile ayaa aheed midii ugu horeesay ay halkaasi ku tagaan, waxa ayna kusoo arkeen Dayniile isbadalka ka jira iyo sida amaanka degmadaasi loo xaqiijiyay.

Dhanka kale Wafdiga ayaa furay aargada cusub ee degmada Dayniile oo aad loo qurixyay

Waxaa maanta xariga si rasmi ah looga jaray aargo cusub oo laga dhisay Degmada Dayniile gaar ahaan halka laga galo Degmadaasi, waxaana Munaasabada xariga looga jarayay aargada cusub ka qeyb galay Wasiirka Amniga , Xildhibaano , Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile oo ka hadlay Munaasabada xariga looga jarayay aargada cusub ayaa sheegay in dhismaha aargadaasi ay gacan weyn ka geesteen ganacsatada iyo dadka kasoo jeeda Dayniile.

Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan Abuukar Maxamed Ducaale io Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Aargadan cusub ee laga dhisay halka laga galo Dayniile gaar ahana Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad.

Aargada cusub ee laga dhisay Degmada Dayniile ayaa lagu xardhay astaanta Calanka Soomaaliya, waxaana lagu dhajiyay sawirka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook