Yonghong Li oo noqday Madaxweynaha Rasmiga ee kooxda Milan

Kadib Markii uu sirasmi ah ula Wareegay Xilka Maamulka kooxda AC Milan ayaa lagu dhawaaqay Magaca Madaxweynaha Cusub ee AC Milan kaas oo lagu magacaabo Yonghong Li.

Maalqabeenada shirkada ah ee lawareegay dhamaan maamulka kooxda AC Milan ayaa shirkoodii ugu horeeyey ee ay Jimcihii yeesheen kaga dhawaaqay in Yonghong Li yahay Madaxweynaha Rasmiga ee kooxda Milan.

Sidoo kale Waxaa lamagacaabay Gudiga Maamuli doona kooxda AC Milan kuwaas oo kala ah Han Li, Lu Bo, Renshau Xu, Roberto Cappelli, Marco Fassone, Marco Patuano iyo Paolo Scaroni.Waxaana meesha uga baxay dhamaan maamulayaashii 31 kii Sano ee la soo dhaafay Hogaaminayey Naadiga caanka ah ee AC Milan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook