opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Barlamaanka oo Ka Horyimid Qorshaha C.wali Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada +Cod

Share

Gollaha wakiiladda Puntland ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in xubno dheeraad ah lagu kordhiyo barlamaanka Puntland oo haatan tiradiisu tahay 66 Mudane.

Ilaa 62 xildhibaan oo iskood isku xilqaamay ayaa saxiixay warqad ay ku diideen soo jeedinta Madaxweynaha, taasi oo loo gudbiyay guddoonka barlamaanka Puntland ee fadhigiisu yahay Garoowe.

Go’aanka ay ku diideen qorshaha madaxweynaha ayay xildhibaanadu ku sababeeyeen inuu dhaawacayo amniga iyo xasiloonida ka jirta degaamadda Puntland, inaysan Xal ahayn iyo sidoo kale inaysan ahayn baahi la dabooli karo.

Madaxweyne Gaas ayaa toddobaadkan sheegay in warqad codsi ah u gudbiyay guddoomiyaha Barlamaanka oo uu ku codsaday in la furo barlamaanka, laguna darro qabaa’ilka ka maqan ee reer Puntland, Wuxuu sheegay inuusan garanayn wixii markii hore lagu saleeyay Barlamaanka oo uu sheegay 50% beelaha Puntland ay ka maqan yihiin.

Dhinaca kale, Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad  ayaa sheegay in beelaha dega Puntland aysan ku dulmanayn Dastuurka, balse xaqoodu ku maqanyahay gobolka, taasoo la macno ah in Xildhibaanadu ku yimaadaan qaab gobol oo ku salaysan nidaamkii lagu dhisay maamulkan.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook