opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Beesha H/ Gidir oo Digniintii ugu xooganeyd udirtay Farmaajo +Cod

Share

Kulan ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Beelaha Habar Gidir ayaa waxaa ay si weyn uga soo horjeesteen go’aankii ay dowladda Soomaaliya xilka uga qaaday Hanti-dhowrihii qarana Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Odayaasha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku deg degay inuu aqbalo xilka qaadistii ay golaha wasiirada ku sameeyeen Dr Nuur Faarax isla markaana arintaas la siyaasadeeyay.

“Waxaan tabaneynaa cadaalad daro, marka anagoo ah beeshii uu ka dhashay Dr Nuur, waxaan leenahay hadii madaxweynaha ay run ka tahay cadaaladii uu ku dhaartay waa inuu sameeyaa hadii uu sameyn waayana iney beentiis tahay ayaan qaadaneynaa”ayuu yiri mid kamid ah odayaashii kulanka ka hadlay.

Dhanka kale, odayaasha ayaa sheegay in hadii ay dowladda ay cadaalad ka wayaan ay kala laabanayaan kalsoonidii isla markaana aysan la shaqeyn doonin.

Hadalka kasoo baxay beesha Habar Gidir ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu madaxweyne Farmaajo xilka ka qaaday Hanti dhowre Dr Nuur Faarax oo lagu eedeeyay in ilaaladiis ay dishay Wasiir Siraaji.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook