opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanadda & Wasiirada Hawiye oo kulmay

Share

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabit Maxamed ayaa kulan aan caadi aheyn la yeeshay qaar kamid ah wasiirada iyo xildhibaanada beelaha Hawiye ee DFS.

Kulankan oo ka dhacay guriga dowladda hoose ayaa looga hadlay qodobo xasaasi ah oo ay kamid tahay maqaamka gobolka Banaadir iyo dhanka awood qeybsiga degmooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu yimid xili la ogaaday in wasiirada iyo xildhibaanada DFS ay si weyn udiideen isbadal la filayo inuu duqa Muqdisho ku sameeyo maamulka degmooyinka oo uu kusoo daro dad ka yimid deegaano kale.

Ilo wareedyo ku sugnaa kulankaas ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo Wasiirada ay ugudbiyeen Duqa Muqdisho inuu dhowro awood qeybsiga beelaha si looga fogaado in dalka uu ku laabto xaalado qabiil.

Dhanka kale, wasiirada iyo xildhibaanada ayaa Gudoomiye Taabit u gudbiyay cabasho ay ka wadaan odayaasha dhaqana taas oo ah in la raadiyo maqaamka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn kulankan ayaa kusoo dhamaaday in xildhibaanada iyo wasiirada ay si wada jir ah ula shaqeeyaan maamulka gobolka isla markaana kulamo kala war qaadasho ah mar walba la sameeyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook