opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Farmaajo oo beri safarkii Sideedaad dalka uga dhoofaya

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa beri lagu wadaa in ay ka dhoofaan magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galaya shir heer sare ah ay leeyihiin Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Shirka ay yeelanaaan Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta ku bahoobay iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa looga hadli doonaa arimo dhoor ah ay ku jiraan xaalada bariga dhaxe iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Madaxwenaha Soomaaliya Farmaajo ayaa inta uu Sacuudiga joogo la filayaa in uu la kulmo qaar kamid ah Hogaamiyaasha kulanka ka qeyb galaya, waxa uuna kala hadli doonaa sidii ay dowladiisa taageero buuxda usiin lahaayeen hogaamiyaasha Wadamada uu la kulmayo.

Safarka Madaxwenaha Soomaaliya beri dalka uga dhoofayo ayaa noqonaya kiisii sideedaad uu dalka uga baxo, waxa uu sidoo kale safarkan noqonayaa kii labaad uu ku tago dalka Sacuudi Carabiya oo ahaa dalkii ugu horeeyay uu booqday markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook