Hadii aan kategayo Atletico Madrid Waxaan Noqon doonaa Cayaaryahan dheela basketball

Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa sheegay in hadiiba uu ka tegayo Naadiga dalka Spain uu u Cayaari doono koox aan dheelin kubada Cagta.

Antoine Griezmann oo Waraysi siiyey Radio luuqada Spain ku hadla oo layiraahdo Cadena Ser,ayaa isaga oo dhoola cadaynaya Waxa uu u sheegay Wariyihii Waraysanayey in hadii uu ka tegayo Atletico Madrid uu Noqon doono Cayaaryahan dheela Cayaarta basketball.

Xidigaan oo siweyn loola Xiriirinayey Manchester United ayaa isaga oo sii hadlaya waxa uu sheegay in uu aad u jecelyahay in uu iska joogo Garoonka Vicente Calderon Stadium.hadii uu kategayana uu ku biiro Kooxda NBA da Maraykanka ee New York Knicks si uu uga Garab dheelo Saaxiibkiis Derrick Rose.

Hadalka Antoine Griezmann ayaa Niyad jab gelinaya Taageerayaasha Manchester United oo horay u aaminay in Xidiga ugu horeeya ee imaan doona kooxooda uu Noqon doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook