Madaxda DFS Oo Ka Qeyb Galaaya Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug +Cod

Madaxwayanaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulamo gaar ah la qaatay masuuliyiinta ugu sareyso dalka oo uu kamid yihiin madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in ay kasoo qeyb galaan caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Maxamed Cali (cismaan dheere) oo kamid ah wafdiga uu hogaaminaayo madaxweyne xaaf ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo sidoo kale quseeya awood qeybsiga maamul gobaleedyada dalka ka jira in la simo.

kulankaasi ayaa waxaa lagu lafa guray amniga guud ahaan dalka iyo kaalinta Galmudug sidii loo adkeyn lahaa, iyadoo dowladu dhawaan soo saartay qorshaha amaanka qaranka , maalmaha inasoo aadan ayaa waxaa la filaayaa in caleema saarka madaxweynaha Galmudug uu ka dhaco magaalada Cadaado oo ah xarunta ku meel gaar ah ee dowlada, waxaana rajeynaayaa in ay kasoo qeyb galaan madaxda ugu sareyso dalka iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madaxda DFS Oo Ka Qeyb Galaaya Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug +Cod”

  1. mohamed sulub says:

    waliged lama shegin lamana maqal dadka Habargidir har aha sacad oo Nabad ku dhaqma,hada aragto sacad oo nabad radinaya wa asagoo naf lacari ah,wa dad shaqadodu tahay,Tuugo dhac dagaal dhumaleysi Doxato Qawl been ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook